Aas iyo Baroordiiq duco ah ayaa loo sameeyay dadkii jimcihii hore lagu xasuuqay laba masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.
Waxaa la aasay labadii qof ee ugu horeysay, iyadoo salaadii Jimcaha lagu tukuday bannaanka Masjidka Alnuur ee dadkii ugu badnaa lagu dilay, waxaana halkaasi kasoo xaadiray kumanaan dad ah oo ka qeyb galay baroordiiqda.
Waxaa halkaasi tegay mas’uuliyiinta dalka New Zealand oo ay ugu horeyso haweeneyda ra’iisal wasaaraha ka ah dalkaasi Jacinda Ardern, iyadoo khudbado duco iyo garab istaag ah laga jeediyey halkaasi.
DAAWO SAWIRRADA











