Qof Shacab ah oo ku geeriyooday Gaarigii ku qarxay KM 4 Muqdisho iyo Faahfaahin

Wararkii ugu danbeeyay qarixii Gaari ee caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gar ahaan Igoyska KM 4 ayaa la sheegay inuu geeriyooday qof shacab ah oo watay Gaariga.

Eng. Maxamed Cabdi Kaariye ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qaraxa, isagoo la sheegay in dhaawac iyo gubasho ay soo gaartay, isla markaana xaaladiisu ahayd mid liidata, isagoo dhaawacaasi u geeriyooday.

Maxamed Cabdi Kaariye ayaa la sheegay inuu ahaa shaqsi bulshaawi ah oo ka mida dhalinyarrada magaalada Muqdisho, lama oga cidda beegsatay iyo sababta loo dilay; iyadoo qaraxyada noocan ah ay ku caan baxdeen Alshabaab.

Image may contain: 1 person, smiling, outdoor
Marxuum Eng. Maxamed Cabdi Kaariye
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

121,092FansLike
801FollowersFollow
2,977FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!