Go’aano kasoo baxay Golaha Wasiirada Somalia [Hay’adii Saadaasha Hawada oo magacii laag bedelay]

Kulankii Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu ansixyay Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Dhab-u-heshiinta Qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiista Soomaaliya isla markaana lagu soo go’aamiyey tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Golaha ayaa ansixiyay Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Dhab-u-heshiinta Qaranka oo muhiim u ah dalka maadaama laga soo kabanayo dagaallo, lana doonayo in dalka laga hirgeliyo nidaam dimuqaraadiya oo sax ah lana jaan-qaadi kara dunida, dadka Soomaaliyeedna ay aaminsan yihiin.

Shirka maanta oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale lagu meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay sharciga canshuuraha iyo dib-u-eegsi lagu sameeyay sharciga dawladda Hoose.

Ad

Golaha Wasiirrada oo kulankooda maanta ku oggolaaday soo jeedin ay golaha soo hor-dhigtay Wasaaradda arrimaha dibadda xukuummadda federaalka Soomaaliya, ayaa Cabdixakiim Cumar Cabdullaahi (Cameey) u dallacsiiyay darajada safiirnimo.

Shirka golaha wasiirrada ayaa magacii hore looga bedelay hay’addii Saadaasha Hawada iyo Duulista Rayidka oo loo bedelay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Warar Xul ah
SourceSONNA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

121,092FansLike
801FollowersFollow
2,977FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!