Dab qabsaday kaalin shidaal oo ku taalla Magaalada Cadaado ayaa dhaliyay qasaare xoog leh oo hantiyeed.
Dabka ayaa ku faafay goobo ganacsi oo ku dhow kaalinta shidaalka, waxaana la awoodi waayay in degdeg loo damiyo, iyadoo magaalada aanay lahayn wax dab damis ah, goobta waxaa lagu arkay Baldozer la tacaalaya dabka iyadoo ay dadweyne fara badan daawanayeen.
Dabka ayaa ka bilowday sida dadku sheegeen maqaayad ku dhow kaalinta shidaalka, waxaana la sheegay inuu baabi’iyay ilaa 5 guri iyo kaalintii shidaalka. waxaana weli la sheegay in dabku aan la bakhtiin.
DAAWO SAWIRRO