Tuesday, June 24, 2025
HomeSomaliBanaadirSAWIRRO: Madaxda Dowladda oo ka qeyb galay janaasada Wasiir ku xigeenkii Shaqada...

SAWIRRO: Madaxda Dowladda oo ka qeyb galay janaasada Wasiir ku xigeenkii Shaqada & Shaqaalaha

-

- Advertisement -

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay janaaso lagu tukadaya meydka wasiir ku xigeenkii shaqada iyo shaqaalaha xukuumadda Soomalaiya Saqar Ibraahim Cabdalla oo shalay dabley ka tirsan Alshabaab ku dishay xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Ra’iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay Salaada Janaasada ee Marxuumka oo lagula dukaday gudaha madaxtooyada Soomaaliya.

- Advertisement -

Waxaa kaloo janaasadda ka qeyb galay xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya wasiiro, ehelka Marxuumka iyo masuuliyiin ka socday hay’addaha dowladda, iyadoo lagu aasay Qabuuraha Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Image may contain: one or more people and outdoor
Image may contain: 12 people, people standing, wedding and outdoor
Image may contain: one or more people, sky, tree, crowd, pool and outdoor
Image may contain: 5 people, people standing and suit
Image may contain: 8 people, people standing, wedding, tree and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, crowd and outdoor