SAWIRRO: Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Turkiga oo si Diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Muqdisho

0

Wafdigii uu hoggaaminayay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Turkiga Hakan Çavuşoğlu ayaa maanta yimid magaalada Muqdisho, isagoo booqday Saldhigga tababarka Militariga Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga waxaa Garoonka ku oo dhoweeyey Ra’iisal wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed,mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, xildhibaano iyo Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Hakan Çavuşoğlu iyo wafdigiisa oo uu la socdo dhigiisa Soomaaliya ayaa booqday saldhigga Militari ee Turkiga uu ku tababaro Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku yaalo deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.

Mas’uuliyiintani ayaa waxaa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha uu saldhigaasi ka kooban yahay,iyagoo u kuurgalaya sida ay u socdaan howlaha tababarka Ciidanka Xooga Dalkaoo qeyb ka ah taageerada Turkigu uu u fidinayo Soomaaliya.

Waxaa hadlaasi hadalo ka jeediyay Ra’iisal wasaare kuxigeenada Soomaaliya iyo Turkiga,iyagoo siweyn uga hadlay ahmiyada ay leedahay xoojinta xiriira walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.