Waxaa maanta ka qalin jebiyay Saldhigga Milateriga ee Somturk ee magaalada Muqdisho saraakiishii ugu horeysay ee ciidamada Dhulka, Cirka iyo Badda oo ay tababareen Saraakiisha Turkiga.
Saraakiisha oo ah leyli sarakiil ee maalinta qalin jebiyay ayaa ka kooban 47 sarkaal, waxayna kala yihiin: 37 sarkaal oo ciidamada dhulka ah, 5 sarkaal oo loo tababarray ciidamada Badda iyo 5 sakaal oo kale kuwaasoo loo tababarray ciidamada Cirka Soomaaliyeed.
Munasabadda ku qalin jabinta waxaa kaloo ka mid ahaa cutubyo ka tirsan ciidanka xooga dalka, waxaana guddoomuiyaha Baaralmaanka Maxamed Sheekh C/raxmaan uga mahadceliyay dowladda Turkigusida ay u garab taagan tahay Ciidamada Somaliyeed iyo Guud ahaan DFS
Munaasabad loo qabtay qalin jebinta saraakiishan iyo ciidamo kale oo ka dhacay saldhiga Turkiga ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha Baarlamaanka, safiirka Turkiga, mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo marti sharaf kale.
Ciidamada Qalin jebiyay ayaa soo bandhigay gaada-ka-ciyaar milateri iyo dhoolatus ay muujiyeen tababarkooda.
SAWIRRO