SAWIRRO: Shirka Amniga Qaranka oo ka furmay Muqdisho [Madaxda Maamul Goboleedyada & G/Banaadir oo fadhiya]

0

Shirka Amniga Qaranka ayaa caawa ka fumay magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qeyb galyaan madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyda dalka & Gobolka Banaadir.

Shirka waxaa guddoomiyaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ka qeyb galaya Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, K/Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle, waxaana ku wehliya Guddoomiyaha maamulka Gobolka banaadir.

Shirkan ayaa looga hadlayaa xaaladda ammaanka dalka, qorshaha amni ee hore loo qaatay iyo fulintiisa, wuxuuna hordhac u yahay shirka weyn ee Beesha caalamka oo Muqdisho ka furmi doonta.

SAWIRRO