Shirka wasaaradaha Maaliyadda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Kismaayo ku daah furay shir looga hadlayo Maaliyadda oo ay ka qeyb galayaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirada Maaliyadda ee dowlad Goboleedyada iyo marti sharaf kale oo shirka lagu casuumay.
Shirkan ayaa looga hadli doonaa qaabka loo mideyn lahaa canshuuraha dalka, gaar ahaan Dowlad goboleedyada iyo mida ay qaado Dowladda Federaalka ah, waxaana shirkan laga soo saari doonaa Warmurtiyeed.
Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta in la mideeyo canshuuraha dalka ee dekadaha ay kala maamulaan maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.
SAWIRRO