Friday, July 11, 2025

Shantii su’aal ee Madaxweyne Farmaajo diiday inuu ka jawaabo & Su’aashii ku adkaatay (Akhriso Qiimeyn)

-

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay su’aalo ay dadka caadiga ah weydiiyeen intii uu xilka hayey ku dhowaad 4 sano, waxaana Madashaasi oo uu qabanqaabiyey Machadka RAAS, kana dhacday madaxtooyada ay u muuqatay mid dadka Goobta ku sugan la diyaariyey.

Madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabay su’aalo badan, halka su’aalo kale uu si ku-talogal ah uga booday, qaarna uu caddeeyay inuusan ka jawaabi karin, qaarna uu ka gaabsaday; Haddaba waxaan halkan kusoo bandhigeynaa su’aalaha ugu muhiimsanaa ee madaxweyne Farmaajo iska dhega mariyey iyo kuwii uu ka gaabsaday:

1- Arrinta Qalbi-dhagax iyo ONLF: Wuxuu wiil dhalinyaro ah weydiiyey inuu diyaar u yahay Cudurdaar uu siiyo Qalbi-dhagax iyo in liiska argagixisada laga saaro ONLF, laakiin Madaxweynaha sooma hadal qaadin, xiriiriyuhuna wuxuuba ku dooday inaysan ka mid ahayd Mowduuca.

2- Musuqmaaasuqa Doorashada ka dhici kara: Wiil kale ayaa weydiiyey Madaxweyne Farmaajo inuu damaad qaadayo in ragga wasiirada iyo xildhibaanadii hore ee kasoo jeeda Somaliland aysan awoodda iyo hantida dowladda u adeegsan inay dib ugu soo laabtaan kuraastooda?, su’aashaasina madaxweynaha waa ka booday si kutalogal ah.

3- Metelaadda G/Banaadir ee Aqalka Sare: Waxay ahayd su’aal kale oo la weydiiyey Madaxweynaha halka ay ku danbeeyeen 13-kii xubnood ee Aqalka Sare laga siiyey Gobolka Banaadir, Jawaabtii Madaxweynaha waxay noqotay in la weydiiyo Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka.

4- Sool iyo Sanaag. Gabar ayaa Madaxweynaha weydiisay qaabka loo dooranayo xildhibaannada Federaalka ee kaso jeeda Gobollada Sool iyo Sanaag, iyo sababta magaalada Muqdisho loogu dooran waayey?, Jawaabta madaxweynaha waxay noqotay: “Su’aashaadu waa adagtahay kama jawaabi karo.. raali ahow”

5- Su’aal kale dad badan ogyihiin balse la weydiiyey waxay ahayd ee Inuu mar kaleMusharax yahay? , wuxuuna ka gaabsadya inuu is caddeeyo, isagoo yiri:”Waqtigeeda ayaan ka jawaabayaa”

6- Faragelinta Kenya: – Madaxweynaha wuxuu ka gaabsay ama si kulatalogal ah uga booday su’aalo kale oo ay ugu weyn tahay faragelinta ay Kenya ku heysto Gobolka Gedo, waxaa kaloo uu ka meermeeray dagaalka Alshabaab ee uu sheegay inuu 2 sano kusoo af-jarayo iyo in mas’uuliyiinta kasoo jeeda Somaliland laga talogleiyey heshiiskii Doorashada.

Qabanqaabiyeyaasha madashaan oo looga dan lahaa in madaxweynaha olole loogu sameeyo ayaa bannaanka soo dhigtay sababihii mudadda dheer looga hortaagnaa inuu si toos ah saxaafadda u hor yimaado, waxayna qiimeynteenu noqotay in bandhiggaasi saameynta uu yeeshay ay ka qaasaare badan tahay faa’iidadiisa, waxaana kulankaasi oo dhan isku fuuqsatay su’aashii Sool iyo Sanaag oo si weyn loogu hadal hayo Baraha bulshada saameyn xunna ku yeela doonta musharnimadiisa.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you