Markii ay ummaddii Soomaaliyeed rajo xumo iyo niyadjab la soo gudboonaatay, Caalamkiina naga niyad jabay halisna ugu jirno in markale dhabar na loo jeediyo, taladii dalka dadkii loo igmaday ay dayaceen.
Madasha Badbaado Qaran waxa ay timid waqtigii loo baahnaa shacab iyo siyaasiyiinba waxaa la gudboon in ay taageeraan. Madasha Badbaado Qaran wuxuu dalka ka badbaadinayaa in aanan lagu qasbanaan laba daran mid dooro (Kaligii-talis ama dagaal sokeeye).
Taageer Madasha Badbaado Qaran si aad naftaada, dadkaada, sharaftaada iyo qaranimadaada u badbaadiso. Dalka dib-u-heshiisiin iyo doorasho xor, xalaal ah, loo wada dhan yahay ayuu u baahan yahay.
Soomaaliyeey ceelna kuuma qodno cidina kuuma maqno. Dhamaanteen aan u wada istaagno badbaado qaran iyo xal u raadinta siyaasadda cakiran ee dalkeenna marxaladan xasaasiga ah ee dalkeena ay haystaan cuduro, gaajo iyo abaarro.

W/Q: Eng. Cabdi Canshur Xasan
Wasiirkii hore ee Isgaarsiinta Somaliya