Wednesday, July 9, 2025

Talo ku socota Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha (Qormo xaladda taagan)

-

Hadallada iyo dhaqanka Madaxda Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha JFS maalmahaan dambe waxay dhaawacayaan ama wiiqayaan mowqifka geesinnimada iyo waddannimada xambaarsan ee ciidammada dowladda federaalka ku diideen muddo kororsiga 2da sano ee sharcidarrada aheyd ee Xildhibannada Barlamaanka federaalka iyo Madaxweyne farmajo sheegteen kaddib markuu dhammaaday muddo xileedkooda, haseyeeshe lagu qasbay 18 maalmood kaddib inay ka noqdaan.

Saraakiisha iyo Ciidammada mileteriga iyo Booliska ka tirsan waxay qaateen go’aan lagu badbaadinayo midnimada, sharciga, iyo qarannimada Soomaaliya, hadafkaasoo aan weli si buuxda loo xaqiijin ilaa maanta. Ka noqoshada muddo kororsiga xaaraanta aheyd waxay hordhac u tahay dib u soo celinta ku dhaqanka dastuurka kmg iyo ilaalinta xorriyada iyo xuquuqda muwaadiniinta soomaaliyeed. Madaxdii dhibaatada abuurtay ma aqoonsana ilaa maanta gefkooda.

Farmajo iyo taagerayaashiisa marna ka tanaasuli maayaan inay awoodda dowladda u adeegsadaan si ka baxsan sharciga iyo inay fashiliyaan dadaalka loogu jiro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah. Xilwareejinta qabanqaabada doorashada iyo amnigeeda ee Farmaajo ku wareejiyay RW Roble waxay markhaati u tahay in Farmaajo xaaran ku haystay xil uusan shaqo ku laheyn, waxaana cad inay tahay afka barkiisa waayo haddii ay daacad ka tahay wuxuu xilwareejinta raacin lahaa is casiladiisa si RW Roble u helo fursad uu ku qabanqaabiyo doorasho raalli laga wada yahay.

Waxaa intaa ka daran in kooxda taagerta farmajo oo isugu jira RWKX, wasiirro, agaasimayaal, iyo CBB ay ku jiraan dagaal rasmi ah waayo waa koox laga dhaadhiicay inay ka mid yihiin koox xukunka Soomaaliya haysaneysa muddo dheer, soomaliyana laga dhisayo dowlad leh dhaqanka “maafiyada caalamiga” ama boqortooyo la mid ah kuwa carabta khaliijka, taaso khilaafsan himilada iyo heshiiska ummadda soomaaliyeed ee ku cad dastuurka kmg.

Waxaa muhiim in Madaxda Midowga Musharrixiinta taageeraan, talada iyo go’aanka ku qaataan kacdoonka Ciidammada iyo Shacbiga, kana fogaadaan inay iska dhigaan dhexdeexaad iyo shaati cadayaal ku jira gorgortan darajo. Xaalka Soomaaliya wuxuu maraya in dastuurka kmg iyo Qarannimada Soomaaliya lagu difaacay xoog hubeysan.

Sidaa darted, iska hor imaadka socda ma ahan mid qabiil ama dagaal sokeeye, waa difaaca dowladnimada Soomaaliya ee saldhiggeedu yahay ilaalinta xuquuqda iyo xorriyada muwaadiniinta iyo dhawrista heshiiska doorashada muddeysan 4 sano kasta dib u dhac la’aan.

Nabadgelyada waxay ku xiran tahay diidmada iyo ishortaagga ku takrifalka awooddaha dowladda. Sidaa darted, Madaxda Midowga Musharrixiinta waa inaysan ku hadlin, kuna dhaqaaqin hadallo iyo tallaabooyin dhaawacaya, wiiqaya, niyad jebinaya midnimada mucaaradka ay ku mideysan yihiin dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Ciidammada difaaca dastuurka, iyo bulshada taagersan xaqa iyo dimoqradiyada.

W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you