Siyaasadda Soomaaliya kama madaxbannaana qabiilka xag daneysi iyo wax dhibaal. Muran ama shaki kuma jiro in dad badan oo u dhashay habardigir, Hawiye ay xilal iyo shaqaale ka yihiin dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada sida qabiilooyin kale uga mid yihiin.
Mas’uulka ugu sarreeya xilalka dowladda federaalka ee Habargidir loo tiriyo waxaa haya RW Inj. Maxamed Xussein Roble oo la magacaabay bishii setember ee la soo dhaafay. RW Roble waxaa ka horreeyay RW Xassan Cali Kheyre oo u dhashay beesha Murusade, Hawiye oo xilkaas hayay 3 sano iyo bar.
Labada RW waxaa madax u ahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo oo ka doortay febraayo 2017, taagerayaal u yihiin koox la magac baxday Nabad iyo Nolol iyo Milkiile Fahad Yaasin oo ku xiran boqortooyada Qadar.
Dad badan oo Habargidir u dhashay iyo dad badan oo Soomaali ah ayaa dhibaato badan ka soo gaartay ama ku arkay ama ka dareemay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo, dhibaatooyinkaas oo noqon kara kuwo gaar ah ama kuwo guud.
Magacaabidda RW Roble waxba kama beddelin, kamana beddeli karto siyaasadda dowladda Madaxweyne Farmajo iyo kooxda N&N ee 4 sano ku dhowaad socota. 80% Golaha Wasiirrada Xukuumadda RW Roble waa kuwii Madaxweyne Farmajo iyo RW Xassan Cali Kheyre la soo shaqeeyay 3 sano iyo bar. Kuwo cusubna waa kuwo la yaqaan oo taabacsan siyaasadda N&N ee hadafkeedu ka soo horjeedo dastuurka soomaali ku heshiisay iyo daryeelka iyo u naxariishada shacabka Soomaaliyeed.
Siyaasadda dowladda Madaxweyne Farmajo waa midda soomaali la tabaaleysan tahay 4 sano. Muddo xileedka maamulka Madaxweyne Farmajo wuxuu maraya gabogabo, waxaana xaqiiqadu tahay in RW Roble uusan 95% waxba ka beddeli karin siyaasadda Madaxweyne Farmajo iyo kooxdiisa N&N, taaso macnaheedu yahay in soomaalidii dhibaatadu ka soo gaartay dowladda Madaxweyne Farmajo oo Habargidir badan ku jirto ay socon doonto, walow RW Xassan Cali Kheyre uu ka cudurdaaranayo qayb ka mid ah tacaddiyadii iyo maamulxumada dhacay 3 sano iyo barkii tagay.
Rajada laga sugo RW Roble waxay noqon kartaa inuusan gaboodfalyo, maamulxumo, tacadiyo hor leh gelin muddada gaaban ee xilka RW hayo. Sidaas oo kale, waxgaradka ku hadlaya magaca Habargidir waxaa la gudboon inay ka fiirsadaan inaysan magacxumo iyo dullinimo u soo jiidin bulshada ay magacooda ku hadlayaan oo 3 sano iyo bar la taaheysay tacadiga, gardarrada, xadgudubyada lagu hayay, haddana RW Roble uusan waxba ka beddeli karin aan aheyn tacadiga Xukuumadda N&N u dulqaata madaama aniga oo aan isku reer nahay ayaa kursiga ku fadhiyo.
Waa dulmi in dadka Soomaaliyeed oo 4 sano la rafaadsanaa dhibaatada iyo bahdilka maamulka Madaxweyne u geystay in dhibkooda aan la qiimeyn, la tixgelin, loona hiilin ayadoo la daafacayo siyaasad dhibkeeda taagan yahay, socdo, soona socdo.

W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow