Friday, July 11, 2025

Talojeedin ku socota Midowga Musharixiinta Madaxweynaha iyo Mucaaradka (Qormo sharciyeed)

-

Waxaa caddaatay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo aqoonsaneyn dastuurka kmg, tusaale ahaan qodobbada 1, 3, 4, 10, 11, 12, 15, 16, 18, 19, 20, 21, 22, 49, 50, 51, 52, 53, 54, 55-86, 87, 90; Ayadoo Golaha Shacbiga kalsoonida kala noqday Xukuumadda RW Xassan Cali Kheyre, Madaxweyne Farmajo wuxuu ku dhaqaaqay arrimo badan oo sharcidarro ah sida magacaabidda Kusime RW ee xukuumadda Xil-Gaarsiinta, guddiga garsoorka, guddiga musuqmaasuqa, wakaaladda betroolka, magacaabidda guddiga wakaaladda Betroolka, bixinta qandaraaska ceelasha shidaalka.

Madaxweyne Farmajo wuxuu iska dhegatiray wax ka wax qabashada dhalliilaha iyo dalabka Midowga Musharrixiinta XM iyo Madaxweynayaasha DG qaarkood iyo Bulshada Ra’yidka iyo soo jeedinta beesha caalamka ee aheyd in wada hadal lagu dhammeeyo qodobbada aan waafaqsaneyn sharciga iyo heshiiska siyaasadeed iyo habraaca hirgelinta doorashada 2020/2021.

Waxaa caddaatay in Madaxweyne Farmajo ka go’aan tahay inuu rabo inuu hirgeliyo doorasho sharcidarro ah ee ka dhacda Galmudug, Koofur Galbed, Hirshabelle, iyo Muqdisho. DG Jubbaland iyo Puntland waxay geli doonan qas siyaasadeed xitaa haddii aysan doorasho ka dhicin. Doorashada gacan ku rimiska ee dowladda federaalka wadato waxay ka bilaabmi doonta Muqdisho, Jowhar, Beletweyne, Dhusamareb, Galkacyo, iyo Garbaharey. Madaxweyne Farmajo wuxuu kala irdheeyay dowladda federaalka iyo dowlad Goboleedyada iyo shacabka Soomaaliyeed Waxaa burburay kalsoonida dib u heshiinta la waday 16 sano, waxaana la maraya marxalad kala cabsi iyo kala shaki iyo isnaceyb.

Beesha Caalamka waxay u muuqata inaysan waxba qabin in Soomaaliya ka dhaco qas iyo qalalaase siyaasadeed kaddibna kaalmo bani’aadam u codsado adduunka. Sidaa awgeed, maxaa la gudboon Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha, Musharrixiinta rabta inay la tartamaan Madaxweynaha xilka haya, taagerayaashooda iyo inta isbeddel doonka ah?Ujeedada koowaad waxay tahay inaysan dhicin doorashada gacan ku rimiska iyo in dalka iyo dadka laga badbaadiyo qas iyo qalalaase ballaaran ee dalka oo dhan aafeeya. Tallaabooyinka mudan in la tixgeliyo si isbeddel degdeg ah u dhaco waxaa ka mid ah:

1. In Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha aysan qaban ama qabanqaabin doorasho barbar socota doorashada sharcidarrada ah ee Madaxweyne Farmajo rabo inuu maalmaha soo socda bilaabo. Xilka Guddiga badbaada doorashada 2020/2021 waa inuu noqdaa ka hortaagga iyo diidmada doorashada fowdada ah ee DF qabanqaabineyso.

Waa inaan la oggolaan in Madaxweyne Farmajo inuu cid kale ku qabsado madaxtinnimo, kaddibna la yiraahdo ha la dhexdhexaadiyo. Musharrixiinta xilka Madaxweyne ee malxiiska ah oo taagersan Madaxweyne Farmajo waa in la takooro.

2. In la sugo difaaca iyo Ammaanka Musharrixiinta iyo muwaadiniinta kale ee ka soo horjeeda siyaasadda Madaxweyne farmajo.

3. In la bilaabo ololaha baraarujinta dadweynaha xuquuqdooda iyo xorriyadooda dastuuriga ah lagu tumanayo, laguna dhiirrigeliyo in codkooda soo bandhigaan. Shirkii haweenka Muqdisho wuxuu ahaa tusaale fiican.

4. In dhammaan magaalo madaxyada DG loo diro wufuud kala hadasha Madaxweynayaasha iyo Barlamaannada DG qabashada doorasho sharcidarro ah ee aan lagu heeshiin, mucaaradkana loo oggolaado bannaan baxyo;

5. In warbaahinta lala wadaago xaaladda halista ah ee ka taagan Soomaaliya.

6. In wufuud ama farrimo loo diro dalalka Mareykanka, Ethiopia, kenya, Uganda, turkiga, Jabuti, Midowga Afrika, Midowga Yurub, shiinaha, Rushka, Ingiriska, lala socodsiinayo dhibaatada taagan iyo khatarka dalku ku jiro.

7. In Madaxweyne Farmajo la weydiisto inuu ka tanaasulo qabashada doorasho sharcidarro ah iyo ka qaybgalka tartanka xilka Madaxweynaha 2020/2021.8.

In laga wada hadlo qabashada doorasho Soomaaliya ku rida dariiqa toosan oo waafaqsan dastuur dhammeystiran, heshiis lagu yahay, ku habboon masiirka Ummadda Soomaaliyeed.

W/Qoray: Dr. Maxamud Maxamed Culusow

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you