Kursi ka mida kuwa ugu adag ayaa goor dhow doorashadiisa ka bilaabatay magaalada Jowhar, iyadoo ay ku loolamayaan musharixiin caan ah.
Kursigan oo noqday mid ka mida kuwa ugu dhaqaalaha badan ee magaalada Jowhar, waxaana ka dhex muuqda, wasiiru dowlaha Maaliyadda C/llaahi Maxamed Nuur oo taageero ka heysta madaxweynaha iyo Xildhibaan Bashiir Caddow Calasow oo ka mida taageerayaasha ugu waaweyn ee madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Musharixiinta isku haya Kursiga:Â
- C/llaahi Maxamed Nuur –Â Wasiiru dowlaha Maaliyada
- Bashiir Caddow Calasow – Xildhibaanka kursigan hore u heystay
- Salaad Cali Jeelle  – Siyaasi caan ah
- Daahir Maxamed Sheekh Nuur
Kursigan ayaa xamaasadda ka taagan waxay salka ku heysaa loolanka xilka madaxweynaha, waxaana meesha ka baxday Batuulo Sheekh Axmed oo olole weyn ugu jirtay in haween ku tartamaan kursigan.
C//LAAHI MAXAMED NUUR AYAA KU GUULEYSTAY KURSIGII AQALKA HOOSE EE BEESHA AGOONYAR
Goobjooge.com