Wednesday, July 9, 2025

Waa Maxay NISA, Haramcad iyo Gorgor? (Qormo Prof. Yahye Amir)

-

Wadanka waxaa hore uga jiri Jiray Heyad Caburineed oo la dhihi jiray NSS ( National Security Service). Waxa la asaasay 8/1/1970 ma aheyn mid waafaqsan Dastuurkii hore ee Dalka ,waxaa lagu Bilaabay 18 waaxood kadibna waa sii fiday.

Waxa ey aheyd in sideedii hore ey noqoto qeyb ka mid ah Police – ka, Laakin si Sharci daro ah ayaa loo madax baneeyay si ey ugu shaqeyso Sharci L.54 soona baxay 10/9/ 1970 Sharcigaa oo kuligii xakumayay Dil iyo Xabsi Daa’im, ahaana Sharci ka hor imaanayo Shuruucdii hore ee Dalka eyna ku shaqeyso Maxkamadii Badbaada Dalka oo Lafteedu aheyd Maxkamad aan Dastuuri aheyn, waxaana loo sameeyay NSS -ta Astaan u gaar ah.

Markii ey Burburtay Dowladii ay u shaqeynayay NSS iyadiina waa Burburtay ileyn ma aheyn Markii Horeba Ciidan Sharci ku dhisan.Muddo aheyd 23 Sanno kadib, Bishii Janayo 2013 ayaa la dhisay NISA (Somali Intelligence & Security Agency). waxaa la siiyay Astaan ka Duwan tii hore.

Bacdamaa tii hore la ogaa in ey Sharci daro aheyd Dambiyana lagu soo oogi karay. Madaxdii Dalka wixii ka dambeeyay 2013 Ma ogolaan in NISA ey Dikareeto ku soo saaraan, in kasta oo Lagula taliyay, waxa ey Dareemayeen in ey tahay heyad aan Magaceedu ku jirin Ciidamadda Qaranka ee Dastuurku sheegayo, Baarlamaankuna uuna Ansixin Doonin magacaabideeda.

FG: (illaa hadda ma arag Dekareeto lagu magacaabay heyadaan cusub ee NISA ama meel Baarlamaanku ku ansixiyay, Haddaad aragtay Fadlan, nala wadaag). NSS waxaa loo sameeyay heyado kale oo caburineed oo aan sharci aheyn oo ka caawiyo Howlaheeda Sida: Ciidankii Koofiya Casta, Hangash, Dhabar jabin, Salaan sharaf iyo Guulwadayaasha, Iwm. kuwaa Dhamaantood waxa ey la baaba’een NSS, ileyn markoodii Horeba ma aheyn Ciidan Sharci ahaan jiray.

NISA waxaa iyadana lala abuuray Ciidamo Cusub oo aan Magacoodu ka muuqan Dastuurka Sida: Xooggaga Wadaniyiinta, Haramcad, oo police ah iyo Gorgor oo Xooga Dalka ah in kasta oo eynan Gorgor joogin Xuduudda Dalka.

Dadkii Madaxda u soo noqday NISA, Badanaa, kuma jirin Dad hore uga tirsanaa Ciidanka police-ka oo Aqoon u leh Sharciyada Nabad sugidda. waxa ey u badnaayeen Dad Shibil ah ama Saraakiil laga keenay qeybaha kale ee Ciidamada.

Ogoow Danab waa Ciidan Hore u jiray Lamana Baabi’in Kacaankii kadib, Sababta oo ah waxa ey ka mid ahaayeen Ciidankii hore u jiray ilaa Dowladihii Shibilka waana Dastuuri Danab, Laakin kuma kici karaan fal ka baxsan kan Sharcigu siiyay.

Hadaba ogow, Ciidamadan aan Dastuuriga aheyn ee Magacyada Qurxoon la siiyay, Ma ahan Magacu in uu ku siinayo awood uunan Sharcigu ku siin, Meeqa Haramcad ayaa Quwad ka adagi eryatay, Meeqa Gorgor ayaa Noloshoodu ku dhameeystay Xabsi ama u geeriyooday khalad ey galeen.

Haramcadoow Ha hurdin, hana noqon Mid aan Sharciga ilaalin. Haramcad iyo Gorgor waxa ey Qurxan yihiin marka ey Sharciga Dhowrayaan. Noqo Ciidanka Dalka Somaliyeed. Xooga Dalku waxa ey ahaayeen Ciidamo Sharaf leh, oo Dadku markii ey waddada marayaan ey ku Farxaan, Qof kastana uu jeclaa in uu ku biiro Ciidanka ama uu ka tirsanaado Qoys Ciidan ah, Haddii Qofku uu dhib la kulmu waxa uu u soo ordi jiray halka Ciidanku joogo.waa Markii ey Sharciga ku dhaqmayeen oo ey sharfta lahaayeen.

Markii Dambe, oo ey noqdeen Ciidan u shaqeyo Koox ama Shakhsi oo aan Sharciga dhowreyn, waxa dhacday in ey Dadku ka cararaan kuwaa oo Qafaalayay. ilaa markii Dambe Ciidanka laftiisu uu ka cararay Xeryahiisii isaga oo ka baxsanayo isla Dowladii uu u shaqeynayay. Waxaan u rajeynayaa Ciidamada Guul iyo in ey Sharciga ilaaliyaan.

Qore: Yahya Amir

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you