Waan ku Dili, Kumana Aqaan! [W/Q: Yuusuf Garaad]

Magaalada Muqdisho ayaa galabta dad Soomaali ah, Muslimiin ah, oo soomman waxaa dilay lana dhintay dad kale oo aan iyaga aqoon, iyaguna aanay aqoon, wax dhex marayna aanay jirin.

Dadka lagu dilay qaraxyada iyo rasaasta daba socotay ee galabta ka dhacday Number Afar waxaa ka mid ah dad warata ah oo waddada hareeraheeda ku haystay ganacsi iyo qaar badan oo waddada marayay. Dadka ku dhintay waxaa la ii sheegay in ay ka mid tahay hooyo dhashay tobaneeyo carruur ah oo halkaa faa’iidada ganacsigeeda ku korin jirtay.

Dadka la dilay oo dhan waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu naxariista Janno ka waraabiyo, ehelkooda iyo carruurtoodana uu Samir iyo Iimaan ka siiyo. Fadlan Aaammiin dheh. Sidoo kale in inta dhaawaca ahna Ilaaheey uu bogsiiyo.

Dhallinyarada weerarrada noocaan ah fuliya iyo kuwa abaabula, intooda Soomaalida ah waxaan kula talinayaa in ay dib isugu noqdaan. In ay su’aalo is weydiiyaan. In ay ka fekeraan Soomaali aanay aqoon isaguna aan aqoon wax dhex marayna aanay jirin in dilkiisa ay Janno ku tegi karaan iyo in kale.

W/Q: Yuusuf Garaad

Danjiraha magacaaban ee Soomaaliya u fadhiya Q/Midoobay

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

115,664FansLike
655FollowersFollow
2,707FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

115,664FansLike
655FollowersFollow
20FollowersFollow
2,707FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!