Monday, July 14, 2025
HomeSomaliBanaadirWadooyinka Muqdisho oo la xiray & Qabanqaabada Soo-dhoweynta Madaxweynaha Jabuuti oo...

Wadooyinka Muqdisho oo la xiray & Qabanqaabada Soo-dhoweynta Madaxweynaha Jabuuti oo… [Sawirro]

-

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta la xiray iyadoo ay socoto qabanqaabada soo dhoweynta madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta imaanaya magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliska iyo Milateriga ayaa xiray int badan Wadooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana loo diiday Gaadiidka, halka meelaha qaar laga hor istaagay dadka lugeynaya, taasoo saameyn ku yeelatay ganacsiga iyo isu socodka dadka magaalada ku nool.

Waxaa socota qabanqaabadii ugu danbeysay ee soo dhoweynta madaxweynaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo uu soo dhoweyn doono madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa xariga ka jari doona safaaradda cusub ee Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho oo ku taalla degmada C/casiis, waxaana la sheegay inuu kadib tegi doono magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Image may contain: one or more people, people walking, child, sky and outdoor
Image may contain: 1 person, on stage and outdoor
This image has an empty alt attribute; its file name is 53814277_2294030733991039_725533067078270976_n.jpg
Image may contain: 2 people, people standing
Image may contain: one or more people and outdoor
Image may contain: 4 people, people smiling, people on stage and outdoor
Image may contain: cloud, sky, tree and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, cloud, sky, shoes and outdoor