Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dhulgariir xoog leh oo Jimcaha maanta ka dhacay magaalada Izmir ee dalka Turkiga, oo ku taalla dhuftay badda Aegean, taasoo dhalisay Tsunami yar oo laga dareemay dalalka Greece iyo Turkey.
Waxaa dumay 20 Dhisme gobolka xeebta ku yaal ee Izmir, waxaana qasaaraha dhulgariirka oo cabirkiisu 6.6 ku dhintay 24 qof, halka dhaawaca uu gaaray 800 ruux, waxaana weli socda badbaadinta dadka ku hoos jira burburka dhismayaasha.
Dalal dhowr ah ayaa Turkiga ugu yaboohay inay taageerayaan, waxaana ka mida dalka Giriiga, iyadoo ay telefoon ku wadahadleen Madaxweynaha Turkiga iyo Ra’iisal wasaaraha Giriiga. Dhinaca kale Faransiiska ayaa iska ku yaboohay inuu taageero ka geysto dhibaatada ka dhalatay dhul-gariirka.
Labadan dalka iyo Turkiga ayaa xiisad ka dhaxeysay, waxaana inay arrintaasi meel iska dhigeen, xaaladan degdega ah awgeed.







