Baraha bulshada waxaa qabsaday saacadihii ug danbeeyay dood ku saabsan wareysi toos ah oo Telefishanka BBC-da la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maalmahan ba ku sugnaa magaalada Garoowe.
Wareysiga oo toos ahaa waxaa la yeeshay weriye Farhaan Maxamed Jimcale, waxaana dooda ugu weyn ka dhalatay su’aal uu weriyaha weydiiyey Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ahayd: “Inuu Marti ku yahay magaalada Garowe..?”, waxaana wareysiga kadib baraha bulshada ka bilowday weerar lagu qaaday weriyaga BBC-da ee Farhaan Jimcaale iyo difaac wada socda.
Waxaa arrintan hoggaaminaya weriyeyaal la kala safan labada dhinac oo qaar weerar ku yihiin weriyaha iyo su’aalaha qalafsan ee uu weydiiyay Ra’iisal wasaare Kheyre, halka qaar kale ay difaacayaan su’aalaha adag iyagoo ku eedeynaya taageerayaasha xukuumadda inay u barteen su’aalaha weriyeyaasha Guulwadayaasha ah.
Nuxurkii wareysiga oo dad badan ka faa’iideysteen waxqabadkii laga sugayey Xukuumadda Kheyre iyo dowladda Farmaajo ee Nabad iyo Nolol ayaa loo wareejiyey dood iyo weerar ku socda weriyaha wareysiga qaaday.
Hadalka wariye Farxaan ee ahaa “Reysal wasaare Garoowe marti baad ku tahay” wuxuu gef ku yahay dhammaan umadda Soomaaliyeed. Waxaan rajeynayaa in Farxaan garowsado qaladkiisa si degdeg ahna uu umadda Soomaaliyeed ka raaligeliyo. Saxaafadda noocaan ah waa farshaxan cuqdadeed oo gaboobay oo badawnimo salka ku heysa. PM Kheyre wuxuu booqday dadkuu reysal wasarraha u ahaa ee uu u dhaartay, waxaaba la dhihi karaa wuu kasoo daahay Garoowe. [Cabdicasis Arab).
Ruug cadaaga Saxaafadda Farhan Jimale oo su’aalo adag weydiiyey Raisul Wasaare Hassan Ali Kheyre. Dhageyso Suaalo badan oo Jawaab loo waayey horeyna dawladdu u balan qaaday!!! [Maxamed Dahir Guled]
Dadka dhaliilaya waraysiga laga qaaday R/wasaaraha Soomaaliya ee ka baxay Telefishinka BBC,da mawaxay rabeen in la waydiiyo R/wasaaraha su’aalaha uu asagu rabo.!? Su’aalihii loo baahnaa ayaa la weydiiyay R/wasaaruhuna jawaabihii loo baahnaa ayuu baxshay… [Burhaan Diini Faarax].
Waan ka xumahay weerarka lagu qaaday Farhan Jimale ee ka dhashay wareysigi uu la yeeshay Raysil wasaare Kheyre. Ma fahmi karo sababta kicisay taageerayaasha Md. Khayre, laakin waxaan hubaa in Farhan uu jabiyay xeerki warbaahinta ee u yiilay xafiiska raysil wasaaraha, ee ahaa in aan si dhab ah wax loo weydinkarin Raysil wasaaraha, wareysi gaar ah iyo shir jaraa’id toona. Waaban la yaabbanaa sida uu idinkaga aqbalay wareysi toos ah, yeelkeede aan kala saarno raysil wasaaraha iyo guul wadayaasha aan diiwaanka lahayn. BBC waan in sida warbaahinta Soomaalida lacag loo qoraa haddii la rabo in ay guul wadeyso. [Ayanle Xuseen Cabdi].