Friday, August 15, 2025

Wasiir ka dhuuntay xil-wareejinta iyo 10 Su’aalood oo loo diray inuu ka soo jawaabo

-

Wasiirkii hore ee boostada iyo isgaarsiinta Eng. Cabdi Shiikh Axmed ayaa ka maqnaa xafladii xil-wareejinta oo maanta ka dhacday xarunta wasaarada.

Waxaa booskiisa buuxiyay Wasiiru dowlaha. Cabdi Sheekh ayaa dalka ka dhoofay 30kii bishii hore, waxaana la aamisan yahay inay arintan la xiriirto eedaha musuqmaasuq ee wasiirka loo haystay ee la xiriiray mashaariicda wasaarada.

Agaasimeyaasha iyo shaqaalaha wasaarada oo aad ugu farxsan isbedelka wasaarada ka dhacay ayaa 10 su’aalood u diray wasiirkii hore inuu ka soo jawaabo maadaama uusan wax xilwareejin ah sameynin:

  1. Wasiir, waxaad dalka ka dhooftay adigoo aan wareejin xilkii aad haysay mudo 2 sano ah. Sidoo kale sanadkii 2020-kii markaad iska casisay Hay’ada isgaarsiinta qaranka wax xilwareejin ah maadan sameynin. Miyaadan ogeyn inay waajib tahay inaad xilka si rasmi ah u wareejiso?
  2. Wasiir, waxaa lagaa sugayay inaad ka warbixiso mashaariicdii ay ku guuleysteen 2 shirkad Soomaaliyeed oo aad u kala wareejisay shirkad shisheeye iyo shirkad aad adiga leedahay. Sidoo kale maxaa ka jira inaad sameysatay shirkad aad dooneyso inaad ku shaqeysato?
  3. Wasiir, sanadkii 2020-kii markaad is casileysay waxaad sheegtay in wasiirkii markaas xilka hayay uu hortaagnaa hirgelinta sharciga isgaarsiinta. Hadaba ma noo sheegi kartaa qodobada sharciga ka mid ah ee aad fulisay 2dii sano ee aad xilka haysay?
  4. Wasiir, sanadkii 2020-kii markaad is casileysay waxaad sheegtay in shirkado gaar ah ay haystaan Hay’ada isgaarsiinta. Maxaad ka qabatay shirkadahaas? Maxaa ka jira in maareeyihii aad magacawday Agoosto 2021-kii ay kuu keentay isla shirkadihii aad sheegeysay inaad la dagaali doonto? Gaariga V8 aad wadatay shirkadee kuu iibisay?
  5. Wasiir, isla warqaddaadii casilaadda 2020 waxaad ku sheegtay in xubnaha boardka hay’ada ay ka jirto dano is diidan (conflict of interest). Ma waxaa jirta dano is diidan oo ka weyn inaad ina-adeerkaa koowaad aad u magacawdo maareeyeha Hay’adda isgaarsiinta?
  6. Wasiir, shaqaalihii Wasaarada waxaad isugu dartay qaar aad gunada ka dhintay iyo kuwo aad kala wareegtay lambarkii shaqaalaha rayidka, adigoo ku bedeshay dad xigtadaada ah oo liiskooda la haayo. Sidey arintaas kaaga suutowday adigoo nin aqoonyahan ah?
  7. Wasiir, waxaa lagaa sugaayay inaad howlaha wasaarada dardargeliso. Wax isbedel ah maadan sameynin xataa laba agaasime waaxeed maadan kala bedelin. Maxaa ugu wacnaa fadhiidnimada howlaha wasaarada?
  8. Wasiir, waxaad wasiir u ahayd beel markaas baneysay kursiga Ra’iisul-wasaaraha, sidoo kalena la filaayay inay madaxweynaha u dhowaato maadaama aad xidid ahaydeen. Maxaad kaalin siyaasadeed ugu yeelan weysay xulista xildhibaanada iyo guud ahaan siyaasada, mase mashaariicda ayaa ku indhotirtay?
  9. Wasiir, waxaad hore ula soo dagaashay boardka hay’ada isgaarsiinta iyo shirkadaha isgaarsiinta. Waxaad la dagaashay wasiirudowlahaaga, raysal wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo. Hadaadan dadka la dhaqmi Karin maxaa kugu kalifaya inaad xil umadeed soo raasato?
  10. Ugu dambeyntii, maxaan kaa qornaa oo kugu soo xusuusanaa inaad qabatay labadii sano ee la soo dhaafay?

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you