Wasiir ka tiran xukuumadda Britian ayaa dhowaan socdaal aan la shaacin oo qarsoodi ahaa ku yimid magaalada Muqdisho.
Wasiirkan ayaa la kulmay ciidamada UN-ka Muqdisho ka howlgala ee ka yimid UK iyo kuwa Uganda ciidamada AMISOM iyo saraakiisha ciidamada Soomaalida oo uu hogaaminayay Abaanduulaha xoogg dalka Gen. Calo Baashi.
Kulamada oo dhan ayaa ka dhacay xerada Xalane iyo Safaaradda UK ee Muqdisho oo ku dhex taalla gudaha Garoonka diyaaradaha Axadii 2-da April. Wasiirka ayaa ahaa Wasiirka ciidamada Qalabka Sida UK Mike Penning.
Wasiirkan ayaa la sheegay inuusan soo dhaafin xerada Xalane isagoo aan wax kulan ah la yeelan madaxda dowladda Federaalka. UK ayaa ciidamo UN-ka hoos taga ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo howlo taageero ah iyo ilaalo wada  xarunta weyn ee UN-ka ku leeyahay magaalada Muqdsho.
SAWIRRO