Iyadoo muddooyinka dambe ay baraha bulshada ku xiriirto iyo warbaahinta buuxiyeen ololeyaal kala duwan oo xil doon ku saleysan ayaa waxaa ku soo biirau wasiirada Damjadiid.
Wasiirada kooxda Damjadiid la baxay ee xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku biiray ololaha is muujinta iyo bandhigga waxqabadkooda si ay mar kale dib ugu soo laatbaan xilalka Baarlamaanka.
Sii-haya wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odowaa ayaa shaaciyay video uu ku soo bandhigay waxqabadkiisa isagoo olole ugu jira inuu dib u hanto kursiga xildhibaan ee beeshiisa oo uu hore ula wareegayin Marxuum ex. xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.
Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad ayaa isna dhowaan soo bandhigay muuqaal ku saabsan waxqabadkiisa. Sidoo kale Xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa si joogto u adeegsada bartiisa Facebook.
Goobjooge.com