Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow ayaa dibu bilaabay howlihiisii kormeer ee hay’adaha ammaanka kadib markii in muddo ah uu ku mashquulay safarro dibadda ah.
Wasiir Ducaale ayaa xalay saqdii dhexe kormeer ku tegay qaar ka mida saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir, kormeerka oo ahaa mid kedis ah ayaa saldhigyada qaarkood ay ahaayeen kuwo aanay askar badan ku sugneyn.
“Waxaan saqda dhexe kormeer shaqo ku tegay Saldhigyada Waaberi, Xamar-Jajab, Shibis iyo Kaaraan..” ayuu farriin uu soo diray ku yiri Wasirka Amniga Gudaha oo u muuqda inuu dib u soo celiyay kormeeradii uu bilaabay markii xilka loo magacaabay.
Wasiirkan ayaa noqday mas’uulka ugu safarka badan wasiirada xukuumadda Soomaaliya isagoo ka mid ahaa wafdiyadii Madaxweyne Farmaajo u raacay safarradiisii dibadda.
Goobjooge