Wednesday, October 5, 2022

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo bilaabay Olole ka dhan Hay’adaha Dowlada (Qormo)

-

- Advertisement -

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Sheekh Axmed ayaa bilaabay olole ka dhan ah madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, iyo maareeyaha cusub ee hayada tayadhowrka.

Wasiirka oo arrintan u adeegsanaya wiil xafiiskiisa ka shaqeey, ujeedka laga leeyahay ay tahay in la suurad xumeeyo maareeyaha cusub ee la magacaabay iyo shirkadda ku guuleysatay taya-dhowrka dalka.

Wasiirka iyo shaqaalaha xafiiska ee ay isku dhow yihiin ayaa ciil u qaba Raysal wasaaraha kadib markii uu ka diiday magacaabiista uu wasiir Cabdi Sheekh u rabay inuu Cabdixakiim Caseyr u magacaabo hayada Isgaarsiinta qaranka, ninkaas oo ay isku jufo yihiin wasiir Cabdi Sheekh, sidoo kalena uu u soo dhiibay maamulaha shirkad isgaarsiineed oo isagana iyaga ku jufo ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hore u diidey in uu magacaabo shakhsigan, kadib markaw ogaaday:-

  1. Inu Wasiirku lacag uga qaatay mid kamid ah shirkadaha Isgaarsiinta dalka.
  2. Lagu soo xuley in uu qaraabo dhow la yahay Wasiirka (jufo hoose). Waxaa haboon in wasiirka iyo maareeyaha hay’ad hoos tagta aysan isku beel noqonin.
  3. In uusan wax aqoon ah u laheen Isgaarsiinta iyo tiknolojiyada maadama ay hay’adani tahay Hay’ad Farsamo.
  4. In ay cabasho ka keeneen qaar ka mid shirkadaha Isgaarsiinta oo aysan cadaalad aheen in la magacaabo Maareeye ay wadato shirkad gaar ah.
- Advertisement -

Fashikla wasiirka wuxuu keenay inuu ka tago dalka, isagoo dalka dibeda uga maqan in ka badan 40 maalmood. Hase yeeshee wuxuu shaqaalihiisa u soo dhiibaya olole ka dhan ah beelo, shirkado iyo masuuliyiin la magacaabay.

Dhowaan ayay ahayd markii shaqaale ka tirsan Wasaaradda ay cabasho ka soo gudbiyeen wasiirka ay ku eedeynayaan in Wasiirku ka aaminsanyahay Wasaaradda in ay tahay wax ay beeshiisa saami u

W/Q: Maxamed Cali Nuur
Nuurfc@gmail.com

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Guddiga Gurmadka Qaraxyadii Beledweyne

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magacaabay Guddiga qaabilsan Gurmadka iyo Qiimeynta Khasaarihii ka dhashay qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Beledweyne. Cali...

Alshabaab oo abaabushay Maleeshiyo u dagaalameysa oo ka tirsan Beesha Abgaal (Sawirro)

Alshabaab ayaa abaabul ku bilowday dadka kasoo jeeda Beesha Abgaal e ku nool degaanada ay ka heysto Gobollada SH/Dhexe iyo Galgaduud, kadib markii dhinaca...

Wasiir Fiqi oo Shaqadii ka joojiyey Agaasimaha Hay’ad muhiim ah (Akhriso Wareegto)

Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa wareegto uu soo saaray shaqadii uga joojiyey Maareeyihii Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha (National Identification). Shaqo ka koojinta...

Abaabulkii ugu danbeeyay oo ka socda Sh/DHexe iyo Beesha Madaxweynaha oo ku biireysa dagaalka..

Wararka laga helayo Gobolka SH/Dhexe ayaa sheegaya in abaabulkii ugu danbeeyay ee dagaal uu ka socdo degaano ka mida Gobolkaasi, iyadoo beesha uu kasoo...

Ciidamada Degaanka iyo kuwa Dowladda ee Hiiraan oo Dagaal cusub bilaabay, lana wareegay…

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladdda ee Milateriga iyo kuwa degaanka ee xoreynta gobolka Hiiraan ayaa dagaal cusub dib u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Qaraxyadii Beledweyne, Amarna kasoo saaray

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne, isagoo Amar ah inay galaan feejignaansiiyay ciidamada iyo maamulka Hirshabeelle. Wuxuu...

RW Xamsa iyo Qaar ka mida Wasiirada oo Shir Degdega ka yeeshay xaaladda Beledweyne

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay xaaadda amniga oo si gaar ah qaraxyadii ka dhacay maanta magaalada...

XOGAHA QARSOON

War-Murtiyeed 10 Qodob ah oo laga soo saaray kulamadii Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed (Akhriso)

Madaxda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo saaray War-murtiyeed ka kooban 10 Qodob, kadib shirar ay magaalada Adis ababa ku yeesheen magaalada Addis Ababa. Madaxweynaha...

XOG: Yaa qaadan jiray Lacagta la joojiyay ee Shahaadada Dugsiyada Sare Dowladda Federaalka?

Wasiirka Wasaaradda WaxbarashadaXukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa maanta shaaciyay in la joojiyay lacagihii laga qaadi jiray ardayda qaadaneysa Shahaadada Dugsiga Sare oo...

Diyaaradaha Drone-ka Turkiga oo ka qeyb qaadanaya Dagaalka Alshabaab ee Hiiraan iyo Galgaduud

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay xaqiijisay in Dowladda Turkiga ay qeyb ka tahay dagaalka lagu qaaday Alshabaab ee ka socda Gobollada Dhexe ee...

Xasan Sheekh oo kashifay sababtii xumeysay xiriirka Farmaajo iyo Isaias Afwerki

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ciidamada Soomaalida ee lagu tababarray dalka Eritrea iyo sababta keentay inay dalkooda ku...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you