Saturday, December 4, 2021

Weedha ugu dambeysa diidmada Kenya ee Hague [WQ: Yusuf Garad]

-

- Advertisement -

Shalay ayay Maxkamadda Hague ee Caddaaladdu billowday wareegga labaad ee dhegeysiga diidmada hordhaca ah ee Kenya ee kiiska ay Soomaaliya soo oogtay ee ka dhanka ah Kenya. Kiisku wuxuu ku saabsan soohdinta Badweynta India ee labada dal.

Xusuusin in wareegga koowaad ee dhegeysiga diidmadu uu ahaa Kenya Isniintii, Soomaaliyana Talaadadii. Shalay waxaa la galay wareeggii labaad oo dal waliba mar hadlayo ahna kelmaddeeda ugu dambeeysa. Kenya ayaa ku horreysay.

Payam Akhavan

akhavan
Prof. Akhavan (Midig)

Oo u dooday Kenya wuxuu ka dabaqaatay soo jeedinta Qareennada Soomaaliya ee maalintii Talaadada.

Qareennada Soomaaliya wax badan ayay ka hadleen ayuu yiri, laakiin waxay ka meermeereen in ay ka jawaabaan su’aasha ugu muhiimsan ee Maxkamadda hortaalla.  Is-Af-Garadka (MoU) ay Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen 2009 macno ma xambaarsan yahay mise maya?

- Advertisement -

Si macnaha MoU-da loo fahmo, khasab ma ahan ayuu yiri in lagu takhususo Qaanuunka Heshiisyada.

Wuxuu si gooniya u daba galay Prof. Pellet oo Talaadadii u dooday Soomaaliya. Wuxuu ku tilmaamay in uu doonayo in macnaha MoU-du ay leedahay uu keliya ku soo koobo cinwaankeeda.

Doodda Pellet haddii la raaco waxay u dhigantaa, ayuu yiri, in MoU-da cinwaanka uun laga soo qaato inta kalena la tirtiro. Taas oo noqoneysa in loogu talo galay keliya in Soomaaliya iyo Kenya ay midba midka kale u oggolaado in uu guddiga Qarammada Midoobay ee CLCS u gudbiyo soohdintiisa.

Akhavan wuxuu is weydiiyay, haddii ay ujeeddadu MoU ahayd keliya soohdimo u gudbinta CLCS, maxaa keenay in lagu daro Paragraph ku saabsan khilaaf xallinta?

Isaga oo isu jawaabaya wuxuu yiri, waa in loogu talo galay waxa ay tahay oo ah in iyada loo raaco xallinta khilaafka. Taas oo ay Soomaaliya diiddan tahay.

Macnaha dhabta ah ee MoU 2009 wuxuu ku sheegay Akhavan in saddex ujeeddo laga lahaa. Midda kowaad waa ujeeddada ay Soomaaliya oggoshahay oo ah in CLCS loo gudbiyo soohdimaha. Ujeeddada labaad waa CLCS soo jeedinteeda. Ujeeddada saddexaadna waa xallinta khilaafka.

2033

- Advertisement -

Talaadadii ayaa Prof. Pellet oo Soomaaliya u doodayay wuxuu sheegay in doodda Kenya ee ah in laga warsugo soojeedinta guddiga CLCS sida ku cad MoU, ka dibna la wadahadlo ay tahay wax aan caqli gal ahayn.

Wuxuu xusay in kiisasani uu CLCS uga jiro nambarka 53. Isla markaasna uu guddigu CLCS sannad kasta ka talo-bixiyo qiyaastii 3 kiis, taas oo markaa ka dhigeysa in kiiska labadan dal uu Guddigu ka talo bixin doono 2033. Markaa ma ahan in la sugo 2033 si wadahadal loo galo.

Isaga oo u jawaabaya Prof Pellet ayaa Akhavan wuxuu yiri, wuxuu professor-ku iska indha tirayaa in dib loogu celiyay 16 dal kiisaska ay u gudbiyeen CLCS. Tiradaasi waa dhammaan kiisaska yaalla CLCS ku dhowaad barkood. Waxaa kale oo jirta ayuu yiri in Guddiga CLCS uu hadda shaqeeyo 21 ilaa 26 usbuuc sannad kasta. Taasna wuxuu ku tilmaamay in ay howsha de-dejineyso. Tusaale ahaan Kenya waxay ku qornayd in kiiskeeda la eego 2022 laakiin, ayuu yiri, waxay ku soo beegantay 2014.


Prof. Githu Muigai

ahmed-and-muigai
(Bidix) Axmed C. Daahir iyo Prof. Muigai

Garyaqaanka Kenya oo soo gunaanaday doodda Kenya wuxuu sheegay in Kenya ay aqoonsan tahay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ iyo awooddeeda.  Kenya aanay ka soo horjeedin Maxkamadda, colaadna u qabin haba yaraatee.

Waxaa kale oo uu sheegay in Kenya aanay dooneyn in khilaafani uu abid iska jiitamo ee ay doorbideyso in xal laga gaaro.

Khilaafka soohdinta Baddu wuxuu ku soo beegmay, ayuu yiri, xilli siyaasad ahaan xasaasi ah. Soomaaliya mar dhow uun ayay billowday in ay ka soo baxdo muddo dheer oo ay ku jirtay xasillooni darro ay sabab u ahaayeen dagaal sokeeye, masiibo aadminnimo iyo xaalad arga-gixiso oo baahsan. Haddana ma laha Soomaaliya awood ay bad wax uga qabato.

- Advertisement -

Kenya waxay walaac weyn ka qabtaa amniga badda gobolka. Arga-gixisada al Shabaab oo howlgalleeda badda uga faa’iideysataa waxay weli khatar ku tahay Kenya iyo waddammada Gobolka. Ciidan badan ayaa Kenya uga dhintay la dagaallanka al Shabaab. Boqollaal rayid ahna al Shabaab ayaa ku dishay Kenya, ayuu yiri.

Wuxuu raaciyay in Calaamadeynta soohdinta badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ay tahay mid u baahan wada xaajood xasaasi ah oo laba-geesood ah. Wadahadalkaasi ma ahan in uu eego keliya qaanuun uun ee waa in uu xeeriyo walaaca dhabta ah ee muuqda ee xagga amni iyo kan siyaasadeed ee ay Kenya qabto.

Markii ay Soomaaliya ka soo baxday xilligii Ku-Meel-Gaarka ahaa ee aan cagaha xooggan ku taagnayn ayaan la furnay wadahadal heer farsamo ah sannadkii 2014. Waxaa wadahadalkaas dhicisiiyay Soomaaliya oo dacwadda u soo gudbisay Maxkamaddan.

Kenya wuxuu sheegay in ay iskeed u joojisay howlihii kheyraad baaritaanka ay ka wadday aag badeedka ay Soomaaliya iyo Kenya ku muransan yihiin.

Intaa ka dib, Garyaqaanka Kenya, Githu Muigai wuxuu Guddoomiyaha Maxkamadda iyo xubnaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda uu u soo jeediyay codsi ay Kenya qabto:

Jamhruiyadda Kenya waxay si sharaf leh ay Maxkamaddu uga codsaneysaa in ay ku dhawaaqdo in kiiska Soomaaliya ay soo gudbisay ee Kenya ka dhanka ah uu yahay mid aan Maxkamaddaan khuseyn, aanay aqbaleyn oo uu yahay waxba-kama-jiraan.

Berrito oo Jimca ah ayay Soomaaliya bixineysaa jawaabteeda kama dambeysta ah.

Posted by Yusuf Garaad

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Taliska Milateriga oo wareejiyey Askartii loo heystay Dilka Sakariye & Sowda (Yaa la wareegay..?)

Taliska Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa shaaciyey inuu wareejiyey askartii geysatay dilka marxuumiinta Sakariye Maxamud Xuseen iyo Sowdo Maxamuud Xuseen oo Khamiistii lagu dilay Isgoyska...

Taliyaha Ciidamada Dhulka oo Qirtay in Kiisaska Ciidamada Milateriga lagu dhammeeyo Xeerjajab

Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadlay ciidamada milateriga ee uu xukumo iyo dhibaatoyinka ay ku hayaan shacabka Muqdisho, kadib markii...

Magaalada Boosaaso oo isu bedeshay Aag Ciidan (Akhriso Xaafadaha la kala joogo iyo Amar lagu soo rogay)

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya inay xaaladda magaaladaasi sii adkaaneyso, kadib amar amni oo xalay ka dhaqan galay. Ciidamada amniga Puntland ayaa joojiyey...

Booliska oo shaaciyey magacyada Eedeynayaasha dilay Walaallihii Sowda iyo Sakariye (Akhriso)

Taliska Ciidamada Booliska ayaa fahfaahin ka bixiyey kiisas dil ah oo ay geysteen ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo xalay iyo caawa ka dhacay...

Nin Dhalinyaro ah oo u geeriyooday Rasaas ay ku fureen Ciidamada Dowladda iyo Askartii ka danbeysay..

Waxaa Goor dhoweyd geeriyooday Mahad C/raxmaan Maxamuud oo ay caawa rasaas ku fureen askar ka tirsan ciidamada dowladda xilli uu ku usgnaa Isgoyska Soobe...

DEGDEG: Dad loo qabtay Falkii lagu dilay Sowdo iyo Sakariye (Rasaas Caawa ka dhacday Muqdisho)

Askar ka tirsan ciidamada dowladda ayaa habeenkii labaad rasaas ku furay dad shacab ah, iyagoo dhaawacay qof la socday Mooto Bajaaj. Shilkan ayaa ka dhacay...

Booliska oo ka hadlay Cidda lagu tuhmay Kiiska Walaallaha Zakariye & Sowdo ee lagu dilay Muqdisho

Taliska Ciidamada Booliska ayaa ka hadlay dilka wiil iyo gabar walaallo ahaa oo xalay lagu dilay Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka ciidamada Booliska Cabdifitaax...

XOGAHA QARSOON

XOG: Midowga Musharixiinta oo Qarka u saaran inay xiriirka u jaraan Rooble iyo Labada tijaabo ee..

Xiriirka u dhaxeeya Ra'iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta iyo Midowga Musharixiinta ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyay, kadib qaabka loo maamulay doorashada Golaha Shacabka ee ka...

Maxaa ka jira in Prof. Jawaari uu RW Saacid ka hor istaagay inuu ka hadlo Baarlamaankii 2013? (Xaqiijin)

Maalmahan waxaa baraha bulshada si weyn ugu baahay war ku saabsan in Guddoomiyihii Baarlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cusman (Jawaari) uu mudan yahay in...

Maxay ahaayeen Shirkadda Amniga iyo Saraakiisha Caddaanka ah ee lala beegsaday Qaraxii Is-miidaaminta?

Booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in saraakiil ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya lagu beegsaday Qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho. Warka...

XOG: Laba Arrin oo sababtay inuu Yaasiin Farey noqdo xildhibaanka Dooran ee Kursiga Hop#067

Waxaa maanta shahaadadda musharaxnimada Golaha Shacabka qaatay ku-simaha Agaasimaha Hay'adda NISA Yaasiin C/llaahi Farey oo u sharxan Kursiga Hop#067 ee Baarlamaanka 11-aad. Arrintan oo qeylo-dhaan...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!