Xasan Sheekh oo ku soo laabtay siyaasadda, kana qeyb galaya shir ka dhacaya K/Afrika [Sawirro]

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa lagu arkay fagaarayaasha siyaasadda isagoo dib ugu soo laabtay.

Xasan Sheekh oo muddo lix bulood ah ka gaabsaday K/Afrika ayaa hadda ka qeybgalaya shirweyne ay soo qabanqaabisay Hay’adda Thabo Mbeki Foundation oo looga hadlayo xaaladda siyaasadda, bulshada iyo dhaqaalaha Afrika.

Shirka waxaa ka qeyb galayaan hogaamiyaashii hore ee Qaarada Afrik. Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay qeybaha Warbaahinta markii uu gaaray dalka K/Afrika  ayaa sheegay inuu halkaasi u tegay ka qeybgalka shirka ay ka qeybagalayaan Madaxweynaashii hore ee Qaaradda Afrika.

Madaxweynihii hore Dowladda ee Soomaaliya waxaa garoonka diyaaraha ee magaalada Johnasberg kusoo dhoweeyay madaxda Safaaradda Soomaalida ee K/Afrika, Waxgarad, yo Madax ka tirsan Dowladda K/Afrika.

Madaxweynayaasha hore ee shirka ka qeybgalaya waxaa ka mida: South Africa, Tanzania,Tunisia, Nigeria iyo kuwo kale.

Wararka ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu ku laaban doono magaalada Muqdisho, halkaasoo uu dib uga bilaabi doono dhaqdhaqaaqiisa cusub ee siyaasadeed isagoo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka.