Xildhibaan Huda Axmed Cali oo ka tirsan Baarlamaanka Federalka ayaa sheegtay in suldaanka beesheeda uu ka danbeeyo warar laga faafiyay oo ku saabsan inay isla guursatay saddex nin.
Wareysi ay siisay Radio Dalsan ayay ku sheegtay in suldaanka Beesheeda uu sheegtay inuu iyada qabo, isla markaana weydiistay lacag dhan 200-kun doolar.
Waxay intaas ku dartay in suldaanka beesheeda lagu yaqaan arrimahan oo kale, una hanjabay, iyadoo dacwad ka geysay xeer ilaalinta.
DHINACA SARE KA DAAWO VIDEO