Thursday, April 25, 2024

Xildhibaan shaaciyay inay Qarixii Ex. Kontrol Afgooye ku dhinteen Dad ka badan 90 qof oo ay ku jiraan 4 Ajnabi ah

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa saaka ka dhacay Isgoyska Ex. Koontarool Afgooye ay ku dhinteen dad ka badna 90 qof.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo hore u soo noqday wasiirka Amnigii dowladii hore ayaa sheegay in lagu soo wargeliyey in qaraxii weynaa ee saaka ka dhacay Isgoyska Ex. Kontrol Afgooye ay ku dhinteen dad ka badan 90 qof oo ay ka mid yihiin: 15 askari oo Boolis ah, 4 qof oo Ajnabi ah iyo 73 qof oo shacab ah.

Xildhibaanka ayaa dadka dhintay alle uga baryey inuu naxariistiisa ugu deeqo. Dhinaca kale afhayeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in tirada dhimashada ay ka badan tahay 30.

Xaaladda Ex. Kontrol Afgooye ayaa ah mid kacsan iyadoo ciidamada dowladda ay ka eryeen goobta saxafiyiintii tagtay, waxaana goor dhoweyd gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

WARARKII UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu danbeeyay