Saturday, July 26, 2025

Xildhibaanow Xusuusnow: Yuusuf Garaad oo Qormo kulul u diray Baarlamaanka

-

Xildhibaanow Xusuusnow Baarlamaankow Ciid wanaagsan. Waxaan maqlayaa in aad ku howlan tihiin qaabka ay doorasho u dhici doonto iyo goorta, qofkii Allah gaarsiiyo.

Marka hore waan idinku bogaadinayaa in aad gudaneysaan waajibaadkiinna Dastuuriga ah. Marka xiga talooyinka aad rogrogeysaan, oo qaarkiin marka ay bannaanka joogaan aanay la gabmbaneyn, waxaan maqlayaa in ay ka mid tahay in aad kuraasta iska sii fadhidaan marka uu dhammaado xilligii la idiin doortay.

Kuwa sidaas ku doodayaa kama xishoonayaan ee qiil ayayba ka dhiganayaan in ay ku fashilmeen in ay howlaha ayaga kaga beegan doorashada ay qabtaan si ay u dhacdo xilligii la isku ogaa oo ah bisha November 2020.

Hadalka ayay qurxinayaan. Waxay leeyihiin doorasho lagama gaaro sidii in aanay ka mid ahayn howshii loo diray afar sano ka hor ee ay tahay Breaking News (War degdega) soo dhacay bartamaha 2020.

Waxaa kale oo aad mooddaa in ay moog yihiin in kuwii ay doorasho kaga adkaadeen ama khiyaamo iyo wax isdaba marin gacan lagu siiyay ay kursiga kaga boobeen ay afar sano sugayeen tartankii uu Dastuurku damaanad qaaday 2020.In uu sameeyay ama uu ku biiray Xisbi kadib markii shuruud laga dhigay.

In isaga oo cartamaya uu maalin maalin u tirsanayay goorta ay ku eg tahay muddada sharciga ah ee heshiiska lagu yahay ee Baarlamaanku.

Sidaas ay tahay waa laguu cad gooyay. Cidi kaama hor joogto in aad keligaa go’aan ka gaarto qaabka aad doonto in ay doorashadu noqoto iyo waliba goobta kursiga la dhigayo aad ku tartami lahaydeen.

Waxa keliya ee Xildhibaanow aan ku xusuusinayo waa in haddii tirada dadka Soomaaliya ay tahay 15 milyan ay Xubnaha labada Gole ee Baarlamaanku ay ka noqonayaan Boqolkiiba 0.002.

Haddii Xildhibaannada Baarlamaanka iyo ergooyinka soo dooratay la isku darana aad tihiin boqolkiiba 0.09 shacabka Soomaaliya.Waa tiro ka yar boqolkiiba hal aad madax ugu tihiin inta kale oo ah boqolkiiba 99 iyo dheeraad.

Doorasho xilligeedi kuma dhici karto oo waan aragnaa in laga gaabiyey. Mana aha Corona oo ma aragno howl doorasho oo socotay oo Corona uu hakiyay.

Kordhin farsamo oo lama huraan ah waa ku qabatay oo waa la qaadan.Marka aad go’aan gaareyso, meelmarin iyo fulintiisa adiga lagaa rabo laaca keliya lama eego.

Xisaabta ku darso xaqiiqada ku hor iyo hareera taalla oo u qeybsameysa maxaa Soomaali ka suurta gal ah haddii la baajiyo doorashada? Iyo maxaa ka suurta gal ah ajnabiga kala danaha ah ee qaar noo hayo amniga, qaar na siiyo deeqaha, qaar naga taakuleeyo siyaasadda iyo diblomaasiyadda qaarna uu shidaalka iyo kalluunkeenna ku rabo lacag la’aan ama sida ugu jaban ee suurta gal ah.

W/Q: Yuusuf Garaad

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you