Waxaa la soo gaaray doorashadii Madaxweynaha maamulka cusub ee Hirshabeelle, iyadoo mugdi badan ku xeeran yahay cidda noqoneysa Madaxweynaha Hirshabeelle.
Olole hoose oo lagu xulayo cidda noqoneysa madaxweynaha maamulka cusub ee Hirshabeelle ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ka socday magaaldaa Muqdisho intii ay Jowhar ku jiray doorashada xildhibaanada iyo Guddoonka Baarlamaanka.
Xilkan oo horeba loo qoondeeyay Beesha Xawaadle ayaa waxaa isu soo sharxay xubno badan oo qaarkood taageero heysta iyo kuwa iskood isu wada.
Musharixiinta waxaa ka mida:
- Maxamed Cabdi Waare
- Cali Caraale
- Cali C/llaahi Cosoble
- C/fataax Xasan Afrax
- Yuusuf Axmed Hagar
Musharixii ugu tunka weynaa ee ay taageersaneyd IGAD Cali Caraale ayaa hadda xaalku ku xumaaday kadib markii uu dhaqaale la’aan noqday, tartan adagna soo wajahay, waxaana la sheegay inay rajadiisu liidato. (Akhri Warkan)
Musharax Maxamed Cabdi (Waare) oo taageersanaayeen inta badan xildhibaanada iyo xubnaha labada gole ugu jira Beesha Xawaadle ayaa isna cadaadis weyn uga yimid madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana rajadiisu ay tahay mid god sii galeysa.
Guddoomiyaha xilligan ee Gobolka Hiiraan Yusuuf Dabageed iyo Guddoomiyihii hore C/fataax Xasan ayaa labaduba rajadoodii xilka madaxweyne ay meesha ka baxday markii ay xaqiiqsadeen in madaxtooyada Soomaaliya ay wadato musharax kale.
Cali C/llaahi Cosoble ayaa noqday musharaxa ku soo bixi doona xilka madaxweynaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waana musharaxa laga wato Villa Somalia, iyadoo ay muuqato in xilka si fudud ku heli doono.
Musharaxan ayaa hore u soo noqday wasiir ka tirsan dowladii KMG ahayd ee C/llaahi Yuusuf, waana siyaasi reer Hiiraan ah oo miisaan lhe marka laga reebo inuu noqday shaqsiga uu wato madaxweynaha xilkiisu dhammaaday.
Haddii qorshahan hirgalo waxay noqon doontaa markii afgembi siyaasadeed oo Damjadiid iyo Xasan Sheekh ay ku khaarijiyaan Musharixii IGAD.
Goobjooge.com