Munaasabadaan  xuska aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga ee cilmaaniga ah ayaa maanta lagu lagu qabtay safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.
Xafkadda waxaa ka qeyb galay madaxweyne Xasan Sheakh Maxamuud, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, wasiiro, siyaasiyiinta xisbiyada iyo marti sharaf kale.
Waxaa kaloo ka qeyb galay  wakiilada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, waxaana goobta lagu soo bandhigay taariikhda dalka Turkiga, iyo isbedelkii ku dhacay kadib Khilaafadii cusmaaniyiinta.
SAWIRRO