Friday, July 11, 2025

Yuusuf Garaad oo 5 su’aal ka keenay Bannaanbaxa Jimcaha iyo Dad caan ah oo si weyn u naqdiyey

-

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar, haddana ah Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday (Maxamed C/llaahi Farmaajo) u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa shan su’aal ka keenay bannaanbax ay musharxiinta Mucaaradka shaaciyeen inuu Jimcaha ka dhacayo Muqdisho.

Yuusuf Garaad oo ku afeeftay inuu ra’yigiisa shaqsiya ah ka hadlayo, isla markaana aanu cidna kala tashan fikerkiisa ama u difaaceynin ayaa ayaa u muuqda inuu diidan yahay bannaabaxa ay ku baeqeen musharixiinta Mucaaradka wuxuuna soo jeediyey shan su’aal oo uu sheegay in mid kasta ku saabsan tahay, halis hadda laga baaqsan karo sida uu yiri, waxayna kala yihiin:

1- Marka laga soo tago xoogsatada faraha badan ee danyarta ah oo qaarkood waayi doono dakhligooda maalinlaha ah, waxaa jiri karta halis amni oo aan la sahashan karin. Dadweyne ay horkacayaan Madaxweynayaal hore, oo goor iyo goob la shaaciyay oo fagaare ah ku ballansan, Allah kama dhigee, sow halis uma aha qaraxyada iyo weerarrada noocyada kale ah ee ka dhaca Muqdisho?

2- Haddii taas laga nabadgalo, waxaa jirta halis labaad oo amni. Waa haddii ciidanka murashixiinta ilaalinaya iyo ciidanka waddooyinka fadhiyaa ay kala shakiyaan. Waa haddii uu midkood uu falalka midka kale u fasirto in ay yihiin daandaansi u baahan in laga falceliyo ama ugu yaraan la is hortaago.Labada ciidan waxay ka wada tirsan yihiin ciidanka Qaranka, dhar isku nooc ah ayay ku lebbisan yihiin, waxay fuushan yihiin gaadiid isku nooc ah, waxayna sitaan hub iyo rasaas isla mid ah.Murashixiintu ma hayaan si ay u baajin karaan in labada ciidan uu dhex maro iska horimaad hubeysan?

3- Labadaa qodob waxay igala culus yihiin ujeeddada Bannaanbaxa. Amniga kama baxsana oo waxaa lagu jiraa xilli uu Muqdisho ku laba kacleeyay Covid-19. In dad badani ay goob isugu soo baxaan miyaaneey sahli karin sii faafidda cudurkan laayaanka ah?

4- Aan u soo laabto danta ay murashixiintu ka leeyihiin bannaanbaxa.Maaddaama la og yahay in Bannaanbuxu aanuu shacabka ka imaan ee ay Murashixiintu ku dhaliyeen, abaabulayaanna, ma muuqataa si uu wax uga beddeli karo mowqifyada hadda la kala joogo?

5- Waxaas oo dhami waxay dhacayaan iyada oo uu maanta billowday shir hordhac u ah shir kale oo laga yaabo in uu isla Jimcaha ama maalmaha xiga ku dhawaaqo si’ iyo goor la isla oggol yahay oo doorashadu ay qabsoonto.Ugu dambeyn, sow ma mudna in maalmo fara ku tiris ah laga warsugo wadahadlka uu hordhiciisu maanta ka billowday Baydhowa?

Fekerka Danjire Yusuf Garaad ayaa soo baxay iyadoo ay bannaanbaxa olole weyn ku fureen taageerayaaha baraba bulshada ee Madaxweynaha, isla markaana dacaayado loo adeegsaday warbaahinta qaarkeed ay socoto.

Dadka naqdiyey ee ka hor yimid qoraalka Yusuf Garaad waxaa ka mida:

“Qoraalkaan ma aheyn inuu qoro ku qaybsanaha arrimaha badda cas ee dowladda federaalka. Wuxuu ka mid yahay qoraallada abuura su’aalaha dad badan qabaan ee jawaabaha loo la’yahay…” – Mohamud Uluso

“WAX WALBA WAXAA KA MUHIIMSAN IN WADANKA UU HELO FREE AND FAIR ELECTION, LKN YAAN LA BANAANBIXIN DHIBAATO IN AY IMAATAA LAGA YAABAA WAXAAN U ARKAA WADANKA HAKU SII JIRO “STATUS QUO” OO AH MID AAN DALKA IYO DADKABA U WANAAGSANEYN.” -Abdinasir Ismail ZOLA-

“Danjire xushmad Ayaan kuu hayaa lkn waxaa kaa muuqata inaad marmaraiiyo u raadinayso dowladda waqtigeeda dhammaaday, banaanbaxyadi hore u dhacay oo uu ugu dambeeyey midki 2 usbuuc ka hor hadaad ka digi lahayd waan kuu garaabi lahayn lkn warkaagu hadda qbasha malaha afeefna waxba kuu tari mayso ee waxaad sii talaalatay Tiitiin.‘ -Mohamed Abduwahab Abdullahi-

“Hadal lagaa filaayay ma aha. Muwaadin walba xaqbuu u leeyahay in uu si nabad ah u mudaaharaado. Farriintaan mid la mid ah haddaad hore u sii dhigi lahayd oo aad kula hadleysid hoggaanka Gobolka Banaadir ee shaqadoodaba ka dhigtay in aay dadka soo bixiyaan, Waan kuugu garaabi lahaa. Af Daboolan Dahab.” -Ismail Osman-

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you