Hanti dhowrka guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa qarxiyay fadeexad ku saabsan lacago fara badan oo ka maqan miisaaniyadda xukuumadii hore.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in Miisaaniyadii sanadkii 2015 aan xisaabteeda la xirin ayna ka maqan tahay lacag dhan 14 Milyan oo Doolar, sidoo kalena miisaaniyadda 2016 ay ka maqan tahay lacag gaareysa 96 milyan oo doolar.
Hanti dhowrka ayaa ku eedeeyay lacagtan in loo heysto Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo wakiil ka ah Ra’iisal wasaaraha, wuxuuna sheegay inay iska dhega tireen qoraalo iyo codsiyo uu gaarsiiyay oo ku saabsanaa in la saxo miisaaniyadda iyo lacagaha maqan laga soo marsiiyo xafiiska Hanti dhowrka.
Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib markii golaha wasiirada ee xilka sii haya ay si degdeg u ansixiyeen miisaaniyad sanadeedka 2017 oo uu si weyn uga hor yimid hanti dhowrka, wuxuuna sheegay inuu arrimahan la wadaagi doono madaxweynaha cusub, isagoo Baarlamaanka ugu baaqay inaysan ansixin miisaaniyadda.
Goobjooge.com