Monday, July 14, 2025

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay oo dowladda Soomaaliya ka dalbaday in la maxkamadeeyo askar

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca xuquuqda aadanaha Ivan Šimonović, oo tegay  magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, isla markaana kulamo ka yeeshay madaxda dawladda Soomaaliya ayaa kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhowrista xuquuqda aadanaha.

Shir jaraa’id  oo uu qabtay ayuu waxa uu kaga hadlay xukunnada dilka ah, isaga oo ku baaqay in fursad la siiyo qofka si uu isku difaaco, oo aan dil lagula deg degin. Wuxuu sidoo kale dalbaday in maxkamad la soo taago askartii dadka barakacayaahsa ah ku leysay magaalada Muqdisho.

Ivan Šimonović waxa uu sidoo kale sheegay in in Al-Shabaab lagaga adkaado Somalia aysan ku iman karin oo kaliya dhinaca milatariga, laakin loo baahan yahay in la wajaho sababta asaasaiga ah ee keenaysa xagjirnimada oo ay ka mid tahay saboolnimada, musuqmaasuqa iyo maamul xumada iyo haybsooca.

Waa mas’uulkii ugu sareeyay ee ka socda Q/Midoobay oo dhowaanahan booqda magaalada Muqdisho waxayna booqashadiisu ku soo beegantay iyadoo in ka badan 10 ruux oo u badan barakcayaal lagu dilay dagaal dhex maray laba ciidan oo ka tirsan dowladda Federaalka. Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON