Wednesday, June 25, 2025

SAWIRRO: Dabley weerar la mida kuwa Alshabaab ku qaaday Hotel ku yaala dalka Maali

Dabley hubeysan ayaa weerar qaabkiisu la mid yahay weerarada Kooxda Alshabaab ee Soomaaliya ku qaado hoteelada magaalada Muqdisho maanta la beegsaday  hotel caalami ah oo ku yaalla caasimada dalka Maali, iyagoo afduub ugu heysta gudaha hoteelka illaa 140 qof oo hotel-ka deganaa iyo 30 shaqaale xilligan.

Safaaradda Mareykanka ee Maali ayaa war qoraal ah ku sheegtay a inay ka war heyso in howlgal milateri ka socdo hotelka Radisson ee magaalada Bamako ee dalka Maali.

Wararka ayaa sheegaya in dabeylada aydileen saddex ka mid ah dadkii au afduubka u haysteen. Ilo-wareedyo dhinaca ammaanka ah ayaa wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP u sheegay in ragga hubeysan ay ku sugan yihiin dabaqa toddobaad ee hotelka Radisson ee magaalada Bamako. “Jihaadiyiinta waxay ay ridayaan xabado fara badna oo dhinac waliba..”

Kooxda weerarka qaaday  oo islaamiyiin ah ay sii daayay dad akhriyey aayado ka mid ah qur’aanka kariimka. Waxaana cakiran xaaladda hotelka iyadoo ay ciidamada ammaanka dalka Maali ay xoog ku galeen hotelka.

SAWIRRO

hotel2

Hotel3

Hotel4

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON