Milateriga Turkiga ayaa shaaciyay inay soo rideen diyaarad dagaal oo Raashiya leedahay oo ay sheegeen inay ku soo xadgudubtay hawada dalkooda. Diyaarada dagaal ee Ruushka ayaa ku soo dhacday xuduudka u dhaxeeya Suuriya iyo Turkiga.
Saraakiisha Milateriga Turkiga ayaa caddeeyay inay so rideen diyaaradda dagaal ee Raashiya kadib markii ay soo gashay hawadooda, wararka ayaa sheegaya in diyaradda ay ku dhacday xaafadda Yamadi ee Ladiqiya.
Xafiiska madaxweynah Turkiga ayaa diyaaradda la soo riday ku sheegay mid lagu sameeyay dalka Raashiya, waxaana uu sheegay in loo digay intii aan lasoo ridin sida ay shaacisay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolou.
Wasaaradda Gaashaandhigga Raashiya ayaa qiratay in diyaarad nooceedu yahay SU-24 oo kuwa dagaalka ah ay ku dhacday xuduudka Suuriya iyo Turkiga iyadoo dhulka laga soo toogtay, labadii duuliye ayaa la sheegay inay ka boodeen diyaaradda.
DAAWO QAABKA LOO SOO RIDAY DIYAARADDA DAGAALKA RAASHIYA
Goobjooge.com