Shilkii ciidamada cirka Turkiga ku soo rideen shalay diyaaradii dagaal ee Ruushka nooceeduna ahaa SU-24 oo xiisadii ka dhalatay weli taagan tahay ayaa maanta ay Raashiya shaacisay in la badbaadiya duuliye ka mida labadii duuliye ee diyaarada waday oo midkood dhintay kadib markii uu ku dhacay dhulka ay heystaan kooxda Turkmanka ee xuduudka Suuriya.
Faahfaahin badan lagama bixin sida loo badbaadiyay duuliyaha kale oo la sheegay inuu si nabadgelyo ah ku gaaray xero ciidan oo meesha ka dhow oo ciidamada Suuriya ay leeyihiin, waxaase goor dhoweyd soo baxay Video muujinaya qaabkii loo badbaadiyay duuliyaha labaad.
Laba diyaaradood oo helikobtaro ah ayaa fuliyay howlgalka badbaadinta iyadoo rasaas culus ay kala kulmeen kooxdaha mucaaradka Souriya oo mid ka mida skartii Raashiya dilay isla markaana burburiyay diyaarad helikobtar ah.
DAAWO QAABKII HOWLGALKA BADBAADINTU U DHACAY
Goobjooge.com