Iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka u dhaxeeya dalalka Raashiya iyo Turkiga kadib falkii ay ciidamada Turkiga ku soo rideen diyaaradii dagaalka ee Raashiya ayaa madaxweynaha Turkiga Ordogan laga soo xigtay inuu sheegay in xiriir uu la sameeyay madaxweynaha Raashiya Valademir Putin kadib falkaasi uu socon waayay markii telefoonkii uu u diray madaxweynaha Raashiya uu ka jawaabi waayay, kana qaban waayay sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay telefishanka France24.
Dhinaca kale madaxweynaha Turkiga ayaa diiday inuu wax raali gelin ah ka bixiyo soo ridistii ciidamada dalkiisa ay soo rideen diyaaradda Raashiya, wuxuuna wareysi kale oo uu siiyay Telefishanka CNN ku sheegay in cidda laga doonayo inay raaligelin bixiso ay tahay tan ku soo xadgudubtay xuduudkooda oo uu ula jeeday Raashiya.
Goobjooge.com