Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya qaraar sharci oo baarlamaanku ka soo saarayo Derbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya.
Kulanka maanta ayaa ka danbeeyay qaraarka oo dhowr jeer isbedel lagu sameeyay ayaa loo qeybinayaa Baarlamaanka iyadoo ay soo diyaaryeen Guddiyada Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka oo dhowaan xubno ka mida ay booqdeen degmooyinka xuduudka ee Beledxaawo, Luuq iyo Doolow.
Xildhibaano badan ayaa dood ka keenay in xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya la sharciyeeyo waxayna doodii hore ee xildhibaanada ka dhex muuqatay in qaraar laga soo saaro Derbiga loo baahan yahay si dowladda Soomaaliya looga hor istaago inay wax waanwaan ah ka gasho arrimaha xuduudaha.
Sharciga Baarlamaanka ayaa dooda kadib la filayaa in loo codeeyo si uu meel mar u noqdo.
Goobjooge.com