Wednesday, June 25, 2025

Warar cusub iyo Gaalkacyo: in ku dhow 20 ruux oo la geeyay waqooyiga magaalada & Dagaalka oo socda

Wararkii ugu danbeeyay  magaalada Gaalkacyo ee dagaaladu aafeeyeen ayaa sheegaya in xaaladda ay kacsan tahay  kadib dagaal qaraar oo maanta ciidamada kala taabcsan Puntland iyo Galmudug ku dhex maray halkaasi.

Qasaarah dagaalkii saaka ayaa  keenay dhimasho iyo dhaawac soo gaaraydadka shacabka ah iyo ciidamadii dagaalamay. ugu yaraan 20 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaalka, halka halka ku dhowaad 30 kale ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyada la geeyay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo, tirada qasaaraha waa inta laga soo xigtay Isbitaalka Waqooyiga Gaalkacyo oo kaliya, iyadoo aan weli la helin qasaraha dhinac kale.

Ciidamada Puntland ayaa wararku sheegaaan inay dib u gurteen waxaana weli socda dagalaka iyadoo jihooyin kala duwan rasaastu ka dhaceyso. Ciidamada Galmudug  ayaa qabsaday xaafado ka tirsan waqooyiga Gaalkacyo.

Dadweyne fara badan ayaa ka qaxaya magaalada, iyadoo horeba dadku uga baxeen magaalada si ay uga badbaadaan dagaalka iyo rasaasta la isweydaarsanayo, waxaana istaagay waanwaantii lagu doonayay in xaalada lagu qaboojiyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON