Sunday, July 6, 2025

Shirka Midowga Idaacadaha Carabta oo ka Furmay Tunis & Agaasimaha Radio Muqdisho oo ka qayb galaya (Sawirro)

Agaasimaha Radio Muqdisho, Mudane C/raxiin Ciise Caddo oo hogaaminaayo wafdiga ka socda Idaacadda Dowladda ee u matalaya Shirka Idaacadaha Jaamacadda Carabta ee maanta ka furmaya dalka  Tunisia.

Shirkaan oo socon doona muddo 3 maalmood ah ayaa dhinaca kala ah shirkii 35 aad ee golaha midowga idaacadda Jaamacadda Carabta,

Agaasimaha Radio Muqdisho ayaa sheegay in mudda dheer oo ay shirkaan Somalia ka maqnayd lagu guulaystay in dib loo soo celiyo islamarkaana uu u matalo maanta Radio Muqdisho ka qaybgal ka shirarka nuucan oo kala ah.

Agaasime C/raxiin Ciise Caddow oo markii tagay wadankaasi kulamo la qaatay mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socday qaar ka mid ah Madaxda Idaacadaha iyo TVyada Jaamacadda Carabta ee shirk aka qaybgalay,

Waxaana uu si gaar ah u xusay Agaasimaha Raadiyaha iyo Tv ga Dalka Sa’uudiga, kaas oo ay ka wada hadleen arrimaha quseeya labada Mas’uul.

Dhinaca kale Agaasimaha Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in xubnihii uu la kulmay uu kala haddlay Mowjadihii uu Radio Muqdisho lahaa kuwaas oo ay sheegeen in qaar ka mid ah ay wali hayaan,

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in Radio Muqdisho ay ugu deeqaan Mowjado Raadiyaha u suurtagalinaayo in dunida si isku mid ah looga dhagaysto, lana balaariyo adeegyada uu Umadda Soomaaliyeed siiyo.

 

12349594_10153393662282087_147254165_o

12349679_10153393662047087_1637681392_o

12351702_10153393657622087_548293713_o

12356173_10153393662352087_373845284_o

12359282_10153393662137087_1545369421_o-2

12359282_10153393662137087_1545369421_o

12364379_10153393662182087_1985658059_o

 

Isha: Radio Muqdisho

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON