Shirkii arrimaha hiigsiga cusub ee maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo shirkan looga doodi lahaa qaabka doorasho ee la qaadanayo 2016.
Dib u dhaca shirka ayaa ka dambeeyay iyadoo ay socdaan shirar hoose oo marka hore lagu doonayo in heshiis looga gaaro qaabka doorashada oo ilaa saddex qeybood loogu kala duwan yahay.
Maamulada Puntland iyo Jubba ayaa qaba in qaab degaan lagu soo xulo xildhibaanada Baarlamaanka, halka maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay qabaan in qaabkii hore ee 4.5, dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ayaa aamisan feker ah in muddo 2 sano ah loogu daro Baarlamaanka, lana doorto madaxda dowlada.