Monday, June 23, 2025

Wiil ay dhashay Saado Cali oo Maxkamad Mareykan ah ka dacweeyay Shirkadda xawaaladda Dahabshiil

Wiil ay dhashay fannaanaddii waynayd ee Saado Cali Warsame, ahaydna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maxkamad la fuulaya shirkadda Xawaaladda Dahabshiil oo uu ku eedeeyay inay lacag ku bixisay dilkii hooyadiis loo geystay,  sida u qoray Wargeyska The Star Tribune ee  gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Marxuumad Saado oo 64-jir ahayd ayaa bartamihii 2014 lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana dilkeeda sheegatay kooxda Al-Shabaab. Labo nin oo lagu eedeeyay dilkeeda ayaa la qisaasay bishii May ee sanadkan, markii ay xukuntay maxkamadda Milateriga Soomaaliya.

Wiilkeeda Xarbi Xuseen oo ku nool Minneapolis ayaa ku eedeeyay shirkadda inay lacag malaayiin doollar ah dul dhigtay madaxa hooyadiis kaddib markii ay Dahabshiil ka carootay hees ay marxuumadda ku dhaleeceysay shirkadda Dahabshiil.

Ad

Wax yar ka hor dhimashadeeda, Saado ayaa dhaleeceyn u jeedisay shirkadda, iyadoo ugu baaqday Soomaalida inaanay wax ganacsi ku samaysan shirkaddaasi. Wiilkeeda Xarbi ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo kiiskan. Sidoo kale shirkadda ayaan wali ka hadlin dacwadda.

Ka hor intaysan ku soo noqon Soomaaliya 2012, Saado waxay ku noolaan jirtay magaalooyinka New York iyo Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Goojooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON