Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sharci darro ku tilmaamay Madasha Wadatashiga Qaran ee ay ka mid yihiin madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamulada dalka ka jira oo loo dhisay sidii Soomaaliya looga gudbin lahaa xaalada kala guurka ah.
Xildhibaanka ayaa sheegay in madashaasi aanay jirin Cid ku metesha 9 Gobol oo dalka Soomaaliya ka mida, wuxuuna intaas ku daray in 9-kaas gobol aayahooda u afduuban yahay.
Goboladaasi ayuu tiriyay Xildhibaanka, wuxuuna is weydiiyay haddii 18 kii gobol ee dalka hadii 9 ka mida ka maqan yihiin sidee go’aan ka soo baxana ay keeni doonto in gobolo kale ay dalka ka go’aan.
HALKAN KA DHAGEYSO CODKA XILDHIBAANKA
Goobjooge.com