Monday, June 23, 2025

Machadka Heritage: “51% dadka Soomaaliyeed waxay doorteen inay Odayaasha dhaqanka soo xulaan Baarlamaanka”

Machadka Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay daraasad uu ka sameeyay gobolada Soomaaliya oo ku saabsan qaabka siyaasadda dalka iyo sida dadweynaha Soomaaliyeed u arkaan in lagu soo xuli karo Baarlamaanka soo socda ee sanadka 2016.

Natiijooyinka ay xambaarsan yahay Daraasadan ayaa lagu soo beegay iyadoo uu Muqdisho ka socdo shirka looga hadlayo qaabka doorashada 2016 loo qaban doono oo la isku maandhaafsan yahay.

Daraasadda HERITAGE ayaa muujisay maaddaama doorasho xor ah aanay dhaceynin, (51 boqolkiiba) waxa ay door bideen odayaasha dhaqanka ama waxgaradka beel kasta in ay soo xulaan baarlamaanka cusub, iyadoo 41% ay aaminsan yihiin in qaabka degmooyinka iyo gobollada lagu soo xulo baarlamaanka soo socda.

Ad

Daraasadda waxaa lagu wareystay dad gaaraya 1300 qof oo kala jooga Garowe, Galkacyo (south), Mogadishu, Baidoa, and Kismayo. Waxay kaloo dadkii la wareystay 60% ka horjeesteen muddo kordhin loo sameeyo dowladda hadda jirta.

heritage1

HALKAN KA DEGSO DARAASADDA HERITAGE

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON