Shir ay qaar ka mida siyaasiyiin iyo waxgarada Beesha Muddulood ku lahaayeen maanta Hotelka Naasa-hablood 2 ayaa la kala diray karib markii Taliyaha ciidamada Nabadsugidda C/raxmaan Tuuryare ay shirkaasi tageen oo ay kala direen.
Ciidamada Nabadsugidda ayaaa gudaha u galay gudaha hotelka, waxaana ay amar ku siiyeen weriyeyaashii Telefishanada inaysan sii deyn karin warka goobtaasi ka socday, iyadoo shirkiina xiray, waxaana isu haray odayaasha iyo siyaasiyiinta.
Dadka shirkan soo abaabulay waxaa hormuud u ahaa Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Nabaddoon C/llaahi Geesi Shadoor, Muxyadiin Xasan Afrax iyo xubno kale waxayna shirkooda ka cadeeyeen inay ka horjedaan in Soomaaliya dib loogu celiyo qaabka 4.5, iyagoo soo jeediyay in qaab degaan lagu saleeyo doorashada.
Muddo saacado ah ayaa shirka lagu xayiray, waxaana weriyeyaashii goobta ku sugnaa tacadi kasoo markii loo diiday inay baxaan, laguma amray inaysan sii deyn karin warkii goobtaasi ka dhacay.
Goobjooge.com