Shirkii Madasha Wadatashiga ayaa maalinta labaad u xayiran is afgaran waa’ ka taagan qaabka loo qabanayo doorashada soo socota ee 2016, iyadoo laba aragti loogu kala jabay fikradihii laga soo ururiyay shirarkii ka dhacay gobollada dalka.
Wadahadallo u socay hogaamiyeyaasha ayaa is afgarad laga gaari waayay, waxaana weli socda kulamadii kala gaarka ahaa ee madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamulada dalka ka jira u socday.
Iyadoo la filayay in saaka shirkaasi dib u furmo lana soo gabagabeeyo maanta gelinta danbe ayaa arrintaasi socon weyday markii saxafiyiinta looga yeeray inay ka qeyb galaan xiritaanka shirkaayaa Guddiga Farsamada ee Shirka ku wargeliyeen Warfidiyeenada inuu Shirkaasi baaqday.
Labada aragti ee ah in qaabka lagu saleeyo 4.5 iyo qaab degaameed lagu saleeyo ayaa loo kala taagan iyadoo qolo kasta ay diiday inay fekerkeeda ka soo degto.
Goobjooge.com