Taliyihii Ciidanka Birmadka Magaalada Berbera Aadan Guuleed Talaabo ayaalagu dilay Gudaha Magaaladasi. Dilka ayaa ka dhacay agagaarka saldhiga Dhexe ee Magaalada Berbera, waxaana taliyaha dilkiisa ka dambeeyay askari ka tirsan Ciidamada Somaliland oo Saldhiga Berbera ku sugnaa.
Ciidamada Booliska Ee ku sugan Berbera ayaa qabtay askarigii falka dilka u geystay Taliye Aadan Guuleed oo ku Magac dheeraa “Talaabo”.Dilka taliyeyaasha ciidamada oo ay ku kacayaan askarta ayaa si weyn uga dhaca degaanada Somaliland iyadoo sidoo kale dilal noocaas oo kale ah ay dhowaan ka dhaceeen magaalooyinka Boosaaso iyo Caabudwaaq.
Goobjooge.com