Thursday, June 26, 2025

Baabuurta AMISOM oo shil ku dilay Askari, kana baxsaday & xiisad culus oo ka dhalatay shilkan

Gaadiidka dagaalka ee AMISOM ayaa maanta dardaray oo qeybta danbe ka mray Gaariga nooca loo yaqaan Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo halkaasi ka geystay oo khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Shilkan oo ka dhacay deegaanka KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho  waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyadoo qaar kalena dhawacyo ka soo gaareen.

Ciidamada AMISOM ee falkan geystay ayaa goobta cararay, iyagoo aan dib u soo jaleecin dhibaatadii ay geysteen, waxaana ciidankaaskariga laga dilay oo wata askarigii meydka ahaa, soona daba galay iyagoo careysan ay soo gaareen albaabka weyn e Xalane gaar ahaan Madina Gate.

Ciidamada dowladda ayaa isku dayey inay galaan xerada ciidanka Amisom, ayaga oo ka carreysan askariga ka geeriyooday, balse waxaa ka hor-istaagay ciidamada ilaalada xarunta. Waxaana xiisadii ka dhalatay arrintan dhex galay  saraakiisha ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Ciidamada falkan ku dhacay ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin Nabad Sugidda Koonfur Galbeed ee fadhigoodu yahay gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON